HEESTA BALADWENE! WAR BIXIN DHAMEES TIRAN.



 Maxamed Ibrahim Warsame (Hadrawi)  AUN wuxuu ahaa abwaan soomaaliyeed oo aad u qiima badnaa, sugaantiisuna gayiga soomaalida iyo caalamkaba aad ugu fidey lana fal gal gashey nolosha jirta ee dhabta ah, Hadraawi maansooyin aad u tiro badan ayuu tiriyey, waxaana kamid aha maansooyinkiisa;  Hooyoy la'aantaa, Baladweyn, shimbiryahow ma duushaa, Jaceyl dhiig ma lagu qorey iyo kuw kale oo badan   kuwaas oo dhamaantood ahaa heeso ama gabayo micna weyn xambaarsan.


Hadaan soo qaadano  Erayada qaar kamid ah Maansooyinkiisa waa sida tan;

  •    MAANSADA JACEYL DHIIG MA LAGU QOREY?
                  Jaceyl dhiig ma lagu qorey

                  Wali dhuux ma loo shubey 

                Qofna saanta dhabarkiyo

                Ma u dheegey feeraha  

              DHabanada cad laga jarey 

               Hadalkii ma lagu dhigey 

            Xinjir aan is dhalan rogin

          Midabkeedu dhiin yahey 

        Laga dhurey halbowlaha 

      Wali dhiil ma lagu shubey!

       ..........................................

       ........................................

      ilaa dhamaadka 

  • MAANSADA HOOYOY LA'AANTAA  
           Hooyoy la'aanta 

           Aduunyadu hubaashii

          Habeen kama baxdeenoo

        Iftiin lama heleenoo

         Dadku uma hayaameen 

        Dayax heego joogoo

       Sida haad ma fuuleen 

      Xidig hoos ka lulatoo

     Hawo laguma gaareen 

        Hubka laguma tuureen 

       Cirka hirar ka muuqdoo

       Ruux aad hageysiyo 

     Usha mid aad u heysaa

    Hilin toosan waligii 

  Ka habaabi maayeee!!!

.................................

                                        KUWA KALANA WAA SIDAAN IYO SI LA MID AH! 



Hadraawi AUN wuxuu ku dhashey magaalada burco ee gobalka togdheer sanadkii 1943 isagoo ku dhintey da'da 79 sano jir wuxuuna ku dhintey magaalada hargeysa (18 Augusto2022 ).

Hadana  aan gudo galno heesta baladweyn iyo qisadeeda  lasocod wanaagsan 

  • ERAYADA
       Bi’i waa jacaylow

Boodhari inuu diley

Been baan u haystee


Bi’i waa jacaylow

Boog aan la dhayinoo

Cidi baanan karino

Beerkiyo wadnaa iyo

Bogga kaaga taalliyo

Inuu yahay bir caashaqu

Been baan u haystee


Webigoo butaacoo

Beeraha waraabshoo

Dhulka baadku jiifoo

Dhirta ubaxu buuxshoo

Canabkii bislaadoo

Badarkiyo galleydii

Laga tuuray baalkoo

Bulladiyo ciyaaraha

Lagu waa bariistoo

Beeluhu gu’ joogaan

Sow beri-samaadkii

Beled Weyne maan tegin


Dhanka bari magaalada

Sow boqorad joogtoo

Biyo dahab la moodoo

Bilicdii haweenkiyo

Bili loo dhameeyoo

Timo boqonta joogoo

Baal gorey la moodoo

Baarkana casaankii

Bidix midig is gaadhoo

Bur-cad lagu xiddeeyoo

Badh ku seexanaysoo

Barkanaysa qaaroo

Huwanaysa baaloo

Igu beertay lahaanshoo

U buseelay maan baran


Sow goor barqa ahoo

Bishu ay siddeed tahay

Aniga iyo Beer lula

Isku maannu soo bixin


Sow bariidadaydii

Iyo bedashadeedii

Buundada ciyaartee

Beled Weyn ku taallee

Biyo lulata guudkood

Badhtankeeda maahayn


Sow bixiso weeyee

Ballan maanu dhiganoo

Beeri joog imay odhan


Sow bayd go’aygii

Layguma bushaareyn

“maantaa la baxayaa

bulshadii imay odhan”


Sow waa bastey oo

Socod beegsan maayee

Ina baaja caawoo

I baxnaansha maan odhan


Sow taliye baasoo

Ba’anoo war-moogii

Taydii ma beenayn


Sow badiba kooxdii

Goortay badheedhee

Baabuurki fuulleen

Anna baal kamaan korin


Boholyow daraaddii

Sow baraq nuglaantii

Belo lagu ducaystiyo

Baryo kumaan maqnaynoo

“Biri may xumaatoo

batroolka daadshoo

ka wadaa bukoodoo

bogsan waayo” maan odhan


Sow beriga waagiyo

Barqo kulul dhexdoodii

Geed baaxad weynoo

Dherer iyo ballaadh-loo

La yidhaahdo Baaroo

Bilig dheer hirkiisii

Ma bidhaan sanaynoo

Bulxankiisa yeedhiyo

Ma maqlaynin baaqii


Sow baaxad soorii

Iyo laba boglayntii

Maan noqon bestey oo

Bacadkii ma dheelliman


Sow galab-baqoolkii

Annagoo barwaaqiyo

Meel baadle joognoo

Tumanayna Beerrey

Sow maan baraarugin


Riyo beena weeyee

Sow baalla daymii

Baabuur lalaahyood

Haad baalle mooddoo

Fananaaya buur dheer

Isma odhan ka boodoo

Nafta sow ma biimayn


Nin Banaadir joogoo

Beled-Weyn la haystoo

Waxaan ahay la baabee

Sow baadi doonkii

Weli baafi maan ihi


Beled-Weyn Allahayow

Ka dhig xiro badhaadheed


Beerlula Allahayow

Belaayada hareer mari


Beled-Weyn Allahayow

Ka dhig guri barwaaqeed


Beerlula Allahayow

Beryo samo ku noolee


Beled-Weyn Allahayow

Ka dhig beerta raaxada


Beerlula Allahayow

Ka barii wax yeellada.

  • QISADEEDA 
 wareysi uu bixiyey Wuxuu  hadraawi  uga sheekeeyey qisa heestan 

1970 yadii ayaa koox fanaaniin iyo abwaano isagu jira oo ka tirsanaa kulliyada lafoole  ayaa waxey aadeen Baladweyne iyagoo barnaamij hanuun uu kacaanku caan ku ahaa halkaas u aadeen oo ay riwaayad kusoo ban dhigayeen,  Hadraawi isagoo taagan buundada balad weyn  oo buundada hoosteeda fiir fiirinaya ayunbuu arkey gabar aad u qurux badan oo tima dheer leh oo dhanka bari kaga soo adan amintuna ay tahey  goor aroor ah 9:30 meelahaas, Hadraawi markaas nin dhalin yara ah buu ahaa gabadha quruxdeeda aad buu uga heley, wuxuu damcey inuu la sheekeysto balse  wayba ku adkaatey inuu hal erey ba afkiisa kasoo baxo, cajiib, gabadhii markii y kusoo dhawaatey ayey dareentey ninku inuu ku maqan yahey, gabar aad u caqli badan bey aheyde way u qososhey markaas buu is yiri bal naf is galiyoo wuxuun gabadha ku dheh xitaa luuqad ayna fahmeenin kula hadal, 

wuxuu yiri:( سبحان من خلقك)

ayaduna waxey ugu jawaabtey شكراً

  cajiib wuxuu islahaa carbiga ma fahmeyso balse way la fahantey, quruxda waxaa u dheer waa qof bashaashad ah oo hadalka afkaaga kasoo bixineyso, waa la sheekeystayoo waa la is faahmey waa la is xog wareestey, marka balan bey dhigteen, intaan balantii la gaarin unbaa la yiri bari waa la baxayaaa iayagoon is arkin isaga iyo gabadhii quruxda badneyd oo aan weli is arkin 

ciil badnaaa!  markaasuu   heestaan sameeyey hadraawi Allah ha unaxariisteeeee!

         

   




Post a Comment

0 Comments